Somali News

Dowladda iyo Al shabab oo ku dagaallamay Buulo Burte

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab ayaa ka dhacay degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ayaa ka dhacay suuqa Xoolaha degmadaasi, waxaana lasoo warinayaa khasaare dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray Alshababa iyo ciidanka CXD.

Ilo xog ogaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dhaawac uu soo gaaray Taliye Axmed Buuniye oo kamid saraakiisha CXD ee degmadaasi ku sugan oo dagaalka ku jiray.

Xaaladda ayaa haatan degan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa wada howl-gallo amniga lagu sugayo,kuwaas oo ay ka fulinayaan Xaafadaha Buulo Burte.

Al-shabaab ayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xoogan ka wada deegaano ka tirsan Hirshabelle iyo Galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ay qabsanayeen dhowr deegaan.

Back to top button