FeaturedSomali News

Dowladda Somalia & AMISOM oo ka hadlay Howlgallada Ciidamada ee dalka ka bilowday (Sawirro)

Wasiirada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Afrkika Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo Ambassador Fransicso Madiera ayaa shir  Guddoomiyey kulan looga hadlayay ammaanka Dalka iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada Xoogga wadaan kaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho. Waxaa kulanka goob-joog ka ahaa Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed, xubno ka tirsan wasaaradda caddaaladda, Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Amb. Francisco Madeira, Xubno ka socday Midowga Yurub iyo saaxiibbada Soomaaliya. Wasiirka difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed  ayaa sheegay inay xubnahaasi ka wada hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada xoogga Dalka ka wadaan Gobalada Dalka .
“Kulanka waxaa looga hadlayay ammaanka Dalka iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howl-gallada ay Ciidamada xoogga Dalka ka wadaan Goballada Dalka ,waxaan isla meel dhignay dhammaan qorshayaashii aan ka wada hadalnay” ayuu yiri Wasiirku.
Intii uu kulanka socday ayaa waxay Labada dhinac qiimayn ku sameeyeen horumarka laga gaaray xagga ammaanka Dalka, taasoo qayb ka ahayd qodobbadii kasoo baxay shirkii May 2017-kii ka dhacay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.
Close
Close