Somali News

Dowladda Somalia oo bilowday bixinta Ruqsadaha Kalluumeysiga ee shirkadaha Ajnabiga ah

Munaasabad lagu saxiixayo bixinta Ruqsadaha kallumeysiga ee badda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka Mahad Maxamed Guuleed.

Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya Cabdullahi Bidhaan Warsame oo  munaasabada ka hadlay ayaa sharaxay heshiiskaan iyo waxa uu ku saabsanyahay, isagoo sheegay in ruqsad kalluumeysigii ugu horeyeeyay ay bixineyso dowladda Soomaaliya, iyadoo la siiyey shirkado Shiinees ah.

Wasiirka kaluumeysiga ayaa saxiixay warqado ruqsado shirkado ka socday dalka China, kuwaasoo la sheegay inay soo buuxiyeen dhammaan  shuruudihii laga rabay, arrintaana waa  guul kale oo taariikhi ah oo ay gaartay dawladda Soomaaliya.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in heshiisyadaan laga dhaxli doono shaqo abuur iyo dhaqaalaha dalka oo kobca .

Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  oo daahfuray mashruuca  ayaa sheegay in arrintaan ay cadeyn u tahay horumarka uu dalku ku tilaabsanayo, wuxuana intaa ku daray in daqliga mashruucaan kasoo xarooda lagu shubi doono bangiga dhexe ee dalka.

Munaasabadda waxaa kaloo goobjoog ka ahaa safiirada dalalka China iyo Talyaaniga, iyo madax ka socotay Bangiga aduunka iyo FAO.

Tags
Back to top button
Close
Close