FeaturedSomali News

Dowladda Somalia oo Dalka ka eriday Wakiilka Q/Midoobay Nicholas Haysom [Akhriso Qoraal Culus]

Dowladda Somalia ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay ku wargelisay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay inaan wadanka laga rabin, kana shaqeyn karin wakiilkiisa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom ‘Persona non grata’.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA

War saxaafadeed (Faafin degdeg ah)

Muqdisho, Soomaaliya
January 01, 2019

Maanta oo ay taariikhdu tahay 1da Janaayo 2019ka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo xiganaysa heshiisyada caalamiga ah, waxay Dowladda Soomaaliya ku wargelisay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey in aan wadanka laga rabin, kana shaqayn karin Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Haysom.

Go’aankani waxa uu salka ku hayaa kadib markii si cad u jebiyay hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, si bareer ahna u farageliyay madax banaanida dalka.

Dhammaad

Back to top button
Close
Close