FeaturedSomali News

Dowladda Somalia oo taageero Garab-istaag ah u muujisay Boqortooyada Sacuudiga (War-saxaafadeed)

Dowladda Soomaaliya ayaa war cad kasoo saartay taageerada Boqortooyada Sacuudiga oo wajaheysa cadaadis diblomaasiyadeed iyo hanjabaadyo uga yimid dalal dhowr ah.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaliya ayaa lagu yiri; “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale.”

Waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay adkeyneyso inay laga maarmaan tahay ka fogaanshaha dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudiga.

 

Tags
Close
Close