FeaturedSomali News

Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay 24 Dugsi oo bixin doona Waxbarasho Lacag la’aan ah (Warbixin)

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa shaacisay in ay la wareegtay 24 Iskuul oo ku yaalla magaalada Muqdisho, iyagoo bixin doona Waxbarasho lacag la’aan ah.

Waxbarashada lacag la’aanta ah ayaa lagu billaabayaa 14, 803 arday oo wax ka barata 24-ka Iskuul ee dawladdu maanta la wareegtay.Dawladda ayaa sidoo kale bixinaysa mushaarka iyo gunnooyinka macallimiinta dugsiyadaan oo gaaraya 713 iyo 58 maamule, kuwaas oo ka mid noqonaya shaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda ayaa sidoo kale afar iskuul oo lagu tababarayo macallimiinta iskuulaadka ka hir-gelinaysa xarumaha dawlad gobaleedyada si sare loogu qaado xirfadaha macallimiinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa mustaqbalka dhow qorshaynaysa in guud ahaan dalka la gaarsiiyo waxbarashada lacag la’aanta si muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu u helo waxbarashada uu xaqa u leeyahay.

Shaacinta waxbarashada lacag la’aanta ah ee dawladdu siinayo muwaadiinta Soomaaliyeed ayaa kusoo beegmay iyada oo dalka laga hirgeliyay manhaj midaysan kadib ku dhawaad 30 sano oo manhajyo laga soo dhoofiyay dalal kala duwan laga dhigayay iskuulaadka dalka.

Dhaqan gelinta Manhajka Midaysan ee waxbarashada ayaa dalka u horseedaya sannad dugsiyadeed midaysan, saacado waxbarasho oo midaysan, waxbarasho tayo leh oo wadaniyadi ku dheehantahay, imtixaan midaysan iyo shahaado midaysan oo leh tixraac rasmi ah.

Tags
Close
Close