Somali News

Dr Dufle oo ka badbaaday isku day dil kana hadlay wixii dhacay

Prof Cismaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan Aqalka sare kana mid ah Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay  weerar lagula beegsaday Isgoyska Sayidka.

Sanator Dufle ayaa gaari uu la socday waxaa ay Miino kula qaraxday agagaarka koontaroolka Sayikda.

Inkasta oo uu isaga iyo dadka gaariga gudaha uga jiray ka badbaadeen haddana waxaa ay dhaawacyo soo gaareen ilaaladiisa.

Dr Dufle ayaa sheegay in laba ka mid ah ilaaladiisa uu mid lugta ka dhaawacmay halka kan kalena uu Caloosha ka dhaawacmay.

Waxaa uu sheegay in wiilashada ka dhaawacmay uu Isbitaal geeyay halkaasna lagu dabiibayo.

Todobaadadk gudahiida ayaa weerar noocaad ah waxaa ka badbaaday wasiirka cusub ee Shaqada iyo shaqaalaha oo lagula beegsaday Isgoyska KM4.

Back to top button