FeaturedSomali News

Dubley hubaysan oo wiil dhallinyaro ah ku toogtay gurigiisa oo kuyaalla degmada Dherkeeynley.

 

Dabley hubeysan, ayaa habeenimadii xalay xaafad ka tirsan degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu kamid ahaa dadka ku nool degmadaasi.

 

Dilkaas ayaa waxa uu sigaar ah uga dhex dhacay guriga marxuumka oo ku yaalla Xaafada Macalin Nuur ee dagmadaasi Dharkeenley, kadib markii ragga hubeysan guriga uga dhex-galeen oo ku toogteen, sida ay werisay idaacadda maxalliga ah ee Dalsan.

Ragga hubaysan, ayaa lasheegay in markii hore ay marxuunka waydiisteen mobile-kiisa islamarkaana uu siiyay, hase ahaatee ay toogteen markii uu galay gurigiisa.

Gacan ku dhiiglayaasha dilay wiilkan oo lagu magcaabi jiray Cabdiraxmaan Ciise Yalaxoow, ayaa si deg deg ah goobta uga baxsaday.

Majiraan wax ciiddamo ah oo gaaray xaafadda uu dilkani ka dhacay.

 

Dilalka dhallinyarada aan waxba geysan, ayaa maalmahan ku soo badanaya magaalada Muqdisho. Shalay ayay ahayd markii wiil dhallinyaro ah oo wata Mooto Bajaaji uu toogtay askari katirsan ciidanka dawladda.

 

Back to top button