Somali News

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay xarunta Gaadiidka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo maanta xariga ka jaray dhismaha Xarunta Gaadiidka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in ay isaga iyo Maamulkiisa u taagan yihiin ka shaqeynta Bilicda iyo Horumarinta Caasimadda Muqdiaho.

Xarig-Jarka ka hor Agaasimayaasha Gurmadka degdega ah iyo Howlaha Farsamada Dowlada Hoose ayaa goobta ku soo bandhigay Gaadiidka Dowladda hoose oo isugu jira Baalayaal, Ambalaasyo, Dab-damisyo, Iska rogayaal, Cagaf-Cagafyo iyo Gaadiidka Qashinka qaada.

Guddoomiye Cumar-Filish oo u Mahadceliyey Shaqalaaha iyo Madaxda Howlaha Farsamada iyo Gurmadka ayaa intaa ku daray in ay Gobolka Banaadir heystaan Gaadiid ay ugu adeegi karaan shacabka Muqdisho.

Xarig jarka waxaa ku wegliyay Gudoomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir.

Back to top button