FeaturedSomali News

Duulimaadyada diyaaradaha Soomaaliya iyo Uganda, oo saaka bilowday

Duulimaadkii ugu horreeyey oo isku xiraya  magaalooyinka Muqdisho iyo Kampala  ee caasimadaha Soomaaliya iyo Uganda, ayaa khamiistii maanta ka biloway Garoonka Caalamiga ah ee Aadan cadde.

Safarrada Soomaaliya, iyo Uganda, ayaa muddoo dhowr bilood ah kala xirnaa xanuunka Covid-19 awgii.

 

Shirkadda diyaaradaha ee ku duusha calanka dalkaas ee Uganda Air, ayaa sameyn doontaa todobaadkii saddex maalmood oo ah duulimaadyadii caadiga ahaa ee Soomaaliya iyo Uganda oo istaagay bishii March ee sanadkii 2020-ka, xilligaas oo inta badan duulimaadyada caalamiga ah ee dunida loo joojiyey saamaynta cudurkan.

 

Michael Kalisa oo ah maamulaha Taya-dhawrka Uganda Air iyo Gudoomiyaha nidawga duulimaadyada gudaha Cali Axmed Faarax ayaa guul muhiim ah ku tilmaamay dib u soo laabashada duulimaadyadii toos ka ahaa ee isku xirayey Muqdisho iyo Kampala.

 

Uganda Air ayaa sameeyn doonta duulimaadyadeeda Muqdisho iyo Kampala maalmaha Axadda Talaadada iyo Khamiista.

 

Back to top button