Somali News

Eritrea oo ka hadashay safarka MW Farmaajo

Dowladda Eritrea ayaa ka hadashay safarka madaxweynaha Soomaaliya ee dalkeeda.

Wasiirka Warfaafinta Dalka Eritrea Yemene G.Maskel ayaa sheegay in kulan madaxtooyada labada dal ku dhexmaray labada hoggaamiye looga hadlay xiriirka labada dal, fulinta heshiisyadii 2018 ee isdhexgalka Gobolka,ilaalinta madaxbanaanida labada dal iyo iskaashiga horumarineed ee ka socda geeska Afrika.

Wasiir Yemene ayaa sheegay in kulanka labada hoggaamiye uu sii soon doono maanta oo Isniin ah ayna ka wada hadli doonaan heshiiskii saddexgeesoodka ahaa ee 2018kii dhexmaray Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta booqanaya dhowr meelood oo Dowladda Eritrea ay ka waddo mashaariic hormarineed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho aan la sii shaacin shalay Ku tagay dalka Eritrea kaddib safarkiisii Jubba ee koofurta Suudaan.

Back to top button