Somali News

Faahfaahin: saraakiil iyo askar lagu dilay dagaalkii Buulalow.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal shalay gelinkii dambe ciidamada dowladda iyo Al shabab Ku dhexmaray duleedka Afgooye.

Inta la xaqiijiyay 18 Askari ayaa Ku dhimatay dagaalka oo uu ka midyahay Taliyihii qatay oo magaciisa lagu sheegay Cabdulle Cali Mire.

Ciidamada dowladda oo watay Laba gaari oo nooca dul banaanta ah ayuu dagaalka Ku qabsaday inta u dhaxeysa Doonka iyo Buulalow oo 5km dhinaca waqooyi uga beegan degmada Afgooye.

Dhaqdhaqaaqa Al shabaab ayaa dagaal gaadmo ahaa Ku qaaday Ciidanka oo waddada Ku safrayay, waxaana dagaalku sababay khasaare lixaad lex oo kala gaaray labada dhinac.

Dowladda Federaalka ah wali kama hadlin dagaalka sababay dhimashada badan.

Back to top button