Somali News

Fadhigii Golaha Shacabka ee maanta oo lagu kala tagay

Kulankii Golaha Shacabka ee maanta ayaa lagu kala tagay kaddib markii ay Xildhibaannada qaar buuq ka sameeyeen xarunta Golaha Shacabka.

Xildhibaannada ayaa waxaa ay isku qabteen kulanka maanta iyada oo qorshuhu ahaa ka doodistka Covid19 hayeeshee Xildhibaannada qaar ayaa sheegay in uu mooshin ku qarsoonaa kaas oo la xiriira muddo kordhin.

Xildhibaannada mucaaradka ah ayaa diiday in uu fadhiga furmo halka kuwo kale ay doonayeen in uu furmo kulanka.

Guddoonka Golaha shacabka ayaa waxaa uu shaqaalaha Baarlamaanka amray in ay soo qoraan magacyada Xildhibaannada buuqa abuuray si sharciga loo horgeeyo.

Xildhibaannada Mucaaradka ayaa sheegay in Guddoonka Golaha shacabka uu Ciidamo dhar cad ah ku wareejiyay Baarlamaanka taasina ay baal marsantahay sharciga.

Back to top button