Somali News

Farax Mucalim: “Tigreedu waxa ay maamushaa Siyaasadda dibada Kenya”

Afhayeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Farax Macalin Dawaraa ayaa sheegay in dgaaalka ka socda Gobolka Tigreega uu u dhaxeeyo Gobolka geeska afrika iyo Ururka TPLF.

“Dagaalku uma dhaxeeyo Itoobiya iyo TPLF, Abiye iyo TPLF ee waxaa uu u dhaxeeyaa Gobolka geeska Afrika iyo TPLF” ayuu yiri.

Waxaa uu sheegay in TPLF ay dagaal kula jirto dalalka Eritrea,Sudaan, Soomaaliya iyo Dowladda Itoobiya.

Waxaa kale oo uu sheegay in TPLf ay gacanta ku heyso siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya iyo Jabuuti.

Faarax ayaa sheegay in Ururka TPLF uu yahay cadow cunsuri ah ah islamarkaana dadka ku nool geeska Afrika ula dhaqmay sida Naaziyiinta.

 

Back to top button