FeaturedSomali News

Farmaajo, dhunkashada Hooyadii ma olole ayuu ka dhiganyahay ?| Akhri xogtan kooban.

 

Dadka qiimeeya shakhsiyadda qof iyo dhaqamadiisa iyo kuwa lasoo shaqeeyay, ayaa madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay, nin ay aad u kala duwantahay hadallada uu dad weynaha u sheego iyo mabaadiida uu aaminsanyahay ama waxyaaba uu rabo in uu sameeyo.

 

Madaxweyne Farmaajo, ayaa lagu tilmaamaa nin aan ku fiicnayn xiriirka qaraabadiisa, waxaana arrintaas caddayn u ah gabarta caanka ka noqotay baraha bulshada ee lagu magcaabo Idil Cabdulahi Farmaajo oo walaalo ay yihiin Maxamed Cabdilaahi Farmaajo taas oo tilmaan u ah sida uu uga fogyahay  qoyskiisa.

 

Munaasibaddii xiritaanka shirkii arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, ayuu madaxweyne Farmaajo kasoo dhaqaaqay stage-kii uu ka hadlayay, isla markaana qacanta ka dhunkaday hooyadiis oo lasoo horfariisiyay.

 

Madaxweynaha, ayaa u muuqday nin xataa aan ka warhayn in hooyadiisa ay madasha joogto marka loo eego hadlakiisa.

‘’ Hooyaday, ayaa halkaas iiga muuqata ‘’ ayuu yiri Farmaajo oo kasoo dhaqaaqay meeshii uu taagnaa.

 

Farmaajo kama ay muuqan dareen  tusinaya in dhunkashada faraha hore ee hooyadiis ay u dhacday si dabiici ah.

Sida lagu arki karo muuqaalka laga duubay, Farmaajo oo tiigsanaya, ayaa hal-marka faraha hore ka dhunkaday hooyadiis.

‘’ Bes hooyo’’ ayuu yir farmaajo oo markiiba dib ugu noqday meeshii uu taagnaa.

 

Hadaba maxaa sabab u ah arrintan?

 

Madaxweyne Farmaajo, ayaa u muuqda nin soo jiidanaya haweenka gaar ahaan kuwa looqoondeeyay 30% kuraasta baarlamanka, si uu uga helo cod.

 

Taasna, waxaa muujinaysa qaabka arrinta loo buun buuniyay ee loogu baahiyay baraha bulshada, iyo madaxweyne Farmaajo oo aan hore loogu aqoon muujinta muhiimadda waalidka gaar ahaan hooyada.

 

Back to top button