Somali News

Farmaajo oo la kulmay Wasiirrada cusub

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Golaha Xukuumadda cusub.

Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh, doorka muuqda ee uu ka siiyey dhallinyarada, haweenka iyo sida uu xoogga u saarayo sii amba-qaadidda guulihii horumarineed ee dalku uu gaaray sanadihii la soo dhaafay.

Golaha wasiirrada cusub ayaa lagu wadaa in dhawaan la horgeeyo Golaha Shacabka si loo siiyo codka kalsoonida.

Wasiirrada ayaa badankood soo laabtay iyada oo qaar ka mid ah wasiirradii ugu cadcaddaa badankood laga saaray Golaha.

Wasiirrada laga reebay waxaa ka mid ah Goodax Barre, Maareeye, Amar dambe, Sabriye, Islow Ducaale iyo kuwo kale.

Back to top button