FeaturedSomali News

Farmaajo oo sirdoon daba dhigay Mahdi Guuleed, muxuu yahay shakiga uu ka qabo ?| Akhri xogtaan .

 

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu inta  badan ka aaminbaxay asxaabtiisii tan iyo markii ay dhacday xukuumadii uu hoggaamiyay raysal wasaare Xasan Cali Khayre.

 

Farmaajo oo ku dedaalaya inuu yareeyo marinada lagu khiyaani karo ayaa, ayaa bilaabay in sirdoon uu daba dhigo mas’uuliyiinta muhiimka ee shirarka la gelaya diblomaasiyiinta .

Dhallinyarad sirdoonka ah, ayaa lasheegay in ay yihiin qaraabadiisa  dhow uu siiyay awood dheeriya.

Madaxweynaha ayaa July 25, 2020 waxuu Mahdi Guuleed u magacaabay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, waxuuna isla maalintaas daba dhigay Cabdirisaaq Caato oo maalma kadib xilka looga qaaday si loo qaboojiyo xasarad ka dhalatay gaari uu lahaa Yaxye Cali Hareeri oo xoog lagula wareegay.

Caato ayaa 40 maalin kadib, waxaa dikareeto madaxweyne dib loogu magacaabay xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Digreetada uu Farmaajo ku magcaabay Cabdirisaaq Caato, ayaa dhigaysa in aanu xilka ka qaadi karin raysal wasaaraha amindoona.

 

Dib u magaabidiisii kadib, Cabdirisaaq Caato oo fulinaya amarka madaxweynaha ee ahaa inuu la socdo dhaq-dhaqaaqa iyo kulamada muhiimka ah ayaa waxa Arbacadii shalay uu ka qeyb galay shir uu Mahdi Maxamed Guuleed la yeeshay safiirka waddanka  Sweden ee Soomaaliya, waxaana wararku sheegayaan inuu shir kasta sidaas oo kale uga qeyb geli doono iyada oo aanu raalli ka ahayn kusimah raysal wasaaruhu.

 

Mas’uuliyiin horay uga soo shaqeeyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in wali aysan dhicin in xoghaye joogta ah uu ka qeyb galo kulan Ra’iisul Wasaare ama ku-xigeen ay la yeelanayaan mas’uuliyiin kale maadaama laga wada hadli karo arrimo xaasaasi ah.

 

Ilaha aan xogtaan ka helnay ayaa sidoo kale sheegaya in mas’uuliyiin kale oo isugu jira heer gobal iyo heer federaal la daba dhigay wiilal uu adeer u yahay madaxweynaha dalka si looga baaqsado ka shaqeynta arrimo aan dan u aheyn rabitaanka Villa Somalia.

Back to top button