Somali News

Faysal Cali Waraabe: “75 Xildhibaan yaan Ku leenahay Baarlamaanka Soomaaliya, waa inaan Madaxweyne u tartannaa”

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa ka qeybgalay shir looga hadlayay doorashada Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Nairobi.

Faysal ayaa sheegay in Somaliland ay Baarlamaanka Soomaaliya Ku leedahay 75Xildhibaan oo labada aqal ah

Waxa uu sheegay in Siyaasiyiinta ka soo jeeda Waqooyiga ay u tartamaan xilalka sare ee Soomaaliya sida Madaxweynaha, Ra’isalwasaaraha iyo Guddoonka Baarlamaanka maaddaama dalka uu wax Ku doorto nidaamka 4.5.

Faysal ayaa horay u sheegay in qofkii Somaliland Ku matala siyaasadda Soomaaliya la toogto.

Hadal heyn badan ayaa ka dhalatay ka qeybgalka shirkaas ee Faysal Cali Waraabe iyo hadallada uu ka jeediyayba.

Back to top button