FeaturedSomali News

Furitaanka shirka 7-geesoodka ah oo  siweyn looga dareemayo muqdisho.

 

Ammaanka, ayaa aad loo adkeeyay iyada oo la xiray guud ahaan waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho oo maanta oo Khamiis ah uu ka furmayo shirka madxada maamul goboleedyada, gobolka Banaadir iyo Dawladda federaalka ah.

 

Shirkan, ayaa dhawr maalmood u furmi waayay shuruudo ay ku xireen Deni iyo Axmad Madoobe awgeed.

Labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland, ayaa  shirka hor dhigay laba shuruudood u muuqda in siidii ay rabeen loogu fuliyay.

  1. Axmad Madoobe, ayaa ku adkeystay in shirku aanu furmin ilaa DFS ay gobolka Gedo kasaarto ciidammada ay geysay.

  1. Deni iyo Madoobe ,ayaa wadajir usoo jeediyay in loo yeero madaxda maamullada Gal-mudug , Hir-shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

 

Shirkan oo noqonaya midkii afraad oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka, ayaa siweyn loo sugayaa wixii kasoo baxa.

Back to top button