Somali News

Gaadiid Ku xirnaa Degaanka Daniga oo la fasaxay.

Wararka ka imanaya degaanka Daniga Baalow ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in Gaadiid Ku xayirnaa degaankaas.

Dagaallo Maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay waddada xiriirisa Balcad iyo Afgooye ayaa waxaa ay ciidamaa dowladda kula wareegeen degaannada Walamoy, Buulo Kuunto, Daniga Baalow, iyo Basra.

Ciidamada Al shabab ayaa isaga baxay degaannadaas halka ay qabsadeen Ciidamada dowladda.

Ganacsatada iyo Gaadiid Ku xirnaa degaankaas ayaa saaka la fasaxay.

Gaadiidkan Ganacsiga Kala duwan waday ayaa u socday Magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye waxaana ay u xayirnaayeen al shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in aanay jirin warar sheegayay qarax ay dad rayid ah Ku dhinteen oo ka dhacay degaankaas kaas oo shalay lagu hadal hayay baraha bulshada.

Back to top button