Somali News

Gaadiid Xamuul ah oo Ku xayiran Galmudug

Gaadiid aad u tira badan oo Gawaarida Xoolaha ka soo qaada Baladwayne ayaa ku dhowaad 24 Saac ku Xayiran Har-qaboobe oo ah Koontaroolka looga soo baxo Degmada Guri-ceel Gaadiidkan ayaa sida Ari iyo Dibi waxa ayna ku sii jeedaan Magaalada Boosaaso.

Sida ay inoo Xaqiijiyeen Qaar ka mid ah Gaadiidleyda Gaadiidkan ayaa laga rabaa Lacag dhan 100$ Calaa Gaari waxaana lagu amray inay bixiyaan Taas oo lagu sheegay inay tahay Wada Maris ayna ka rabaan Wasaaradaha Maaliyada iyo Gaadiidka Galmudug.

Wadayaasha Gaadiidkan ayaa waxa ay sheegeen in Arintan ay tahay Nasiib daro masdaaba Wadadu tahay mid aad u Burbursan lana waydiiyo Lacago aan lahayn Xisaabcelin iyo Waxqabad waxa ayna Madaxda Galmudug ugu baaqeen in Arinkan la soo faragaliyo.

Back to top button