Somali News

Gaalkacyo: Golaha deegaanka ee cusub oo la dhaariyay

Golaha deegaanka ee cusub ee Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta lagu dhaariyay Magaaladaas.

27 xubnood ee golaha deegaanka dagmada Gaalkacyo ayaa maanta loo dhaariyay xilka loo doortay.

Xubnaha Golaha deegaanka ayaa maanta waxaa magaalada Galkacyo uga furmay tababar aqoon kordhin ah oo la xariira qaabka doorashada taas oo ay fulinayaan Masuuliyiin ka socatay hay’ada Eisa oo ka mid ah hay’adihii doorka ku lahaa dhismaha golaha deegaanka degmada Galkacyo ee Galmudug isla markaana ah hay’ad ka shaqeysa arimaha dimuquraadiyada iyo doorashooyinka Qaarada afrika.

Magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug ayaa yeelatay gole deegaan inkasta oo uu buuq iyo khilaaf ka jiray.

Back to top button