Somali News

Gabadhii uu caafimaadkeeda ballanqaaday Guddoomiye Mursal oo la dhoofiyay

Ayaan Nuur Cali oo Ahayd Gabadhii Uu Caafimadkeeda Damaanad Qaaday Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Mohamed Mursal Sheikh Abdurrahman Ayaa Saaka Laga Amaba Bixiyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde International Airport ee Muqdisho si dibada Loogu soo dabiibo.

Gabedhaan ayaa Gobalka Mudug qeybo ka mid ah ku dhaawacantay ka dib markii ay ku Kor suuxday Dab ay shidan, ka dibna waxaa Soo gaaray dhaawac culus oo dhanka Afka iyo indhaha aad uga saameeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Ayaan Ku booqday Isbitaal Digfeer, waxaana uu ballanqaaday qarashka Ku baxaya caafimaadkeeda.

Back to top button