Somali News

Gabar Ardayad ah oo lagu dhex toogtay Jaamacad ku taalla magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in  koox hubeysan ay Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) qeybteeda Baar Ubax ku dhex dishaly Gabar dhalinyaro aheyd oo ka tirsaneyd ardayda Jaamacaddaasi.

Dabley hubeysan ayaa gudaha Jaamacadda gashay waxayna si toos ah u tageen fasalka ay dhiganeysay gabadha, halkaasi ayayna ku toogteen, fasalka waxaa gabar ka ahaa marxuumada la toogtay iyo gabar kale, halka inta kale ay ahaayeen wiilal.

Masuuliyiin ka tirsan Jaamacadda Soomaaliya ayaa waxa ay inoo sheegeen gabadhan in Jaamacadda ay ka baraneysay kuliyadda Shareecada, islamarkaana ilaa hadda aanay garaneyn sababta loo beegsaday.

Gabadha la beegsaday oo lagu magacaabi jiray Aamina Xuseen Xasan lama oga waxa ay aheyd marka laga reebo inay dhiganeysay Jaamacadda.

Si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa rag hubeysan inay gudaha u galaan Jaamacadda oo aan la ogoleyn inuu galo qof aanan wadan aqoonsi, kadibna ay geystaan toogasho, sidoo kalena baxsadaan.

Ciidanka ammaanka ayaa tagay Jaamacadda, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen, ardayda xiisadaha u doontay Jaamacadda ayaa la soo fasaxay.

Tags
Back to top button
Close
Close