Somali News

Gabeyre: “Waxaan u baahannahay Maxkamado u gaar ah Ganacsatada dalka”

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshada Soomaaliya Maxamuud Cabdi Cali (Gabeyre) oo ka qeybgelayay shirka Garsoorka dalka ee ka socda Muqdisho ayaa ku baaqay in bahda garsoorka dalka ay soo kordhiyaan Maxkamad dhinaca ganacsiga ah.

“Waxaan ka codsanayaa Guddoomiyaha Makxamadda sare iyo Wasiirka Caddlaadda in aan maxkamad helno oo ka duwan maxkamadaha madaniga ah in aan helno”.

“Mararka qaar waxaan aadnaa dibadaha si aan maxkamad ganacsi u raadsano, Rugta Ganacsiga IGAD, ayaan xubin ka nahay, waddan kasta waxaa uu leeyahay maxkamad ganacsi anaga waa dhahnaa waa leenahay marka arrintaas aan ku dadaalno”aytuu yiri Gabeyre oo ku hadlayay afka Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.

Gabeyre ayaa hadal ka jeediyay shirka Garsoorka dalka oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah.

 

Back to top button