Somali News

Galmudug oo billaabeysa doorashada Aqalka sare

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in uu diyaariyay goobtii lagu qaban lahaa doorashada aqalka sare.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali daahir Ciid ayaa kormeer ku tagay goobo loogu talagalay in ay ku shaqeeyaan Guddiga doorashada laguna qabto doorashada aqalka sare.

Waxaa uu sheegay in ay diyaariyeen goobihii ay degi lahaayeen xubnaha Guddiga iyo ergooyinka islamarkaana u diyaar garoobeen qabashada doorashada.

Magaalada Dhuusamadeeb ayaa waxaa ku wajahan xubnaha Guddiga doorashada qeybta Galmudug waxaana ay billaabayaan doorashada aqalka sare.

Sidoo kale Maamullada Hirshabelle iyo Koofir Galbeed ayaa u diyaar garoobay qabashada doorashada aqalka sare waxaana ay dhaceysaa sida qorshuhu yahay ka hor 8 February.

Back to top button