Somali News

Galmudug oo la wareegtay hub iyo Ciidan

Maamulka Galmudug ayaa la wareegay Hub iyo Ciidan farabadan kuwaas oo ka mid noqonaya Ciidamada Galmudug.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Dahir Ciid oo Maalmahan ku sugan magaalada Cabudwaaq ayaa maanta la wareegay hub, gaadiid iyo maleeshiyaad loo diyaarinayo ciidanka daraawishta Galmudug.

Odayaasha dhaqanka Beesha Celi oo ka mid ah beelaha daga waqooyiga Gobalka galgaduud ayaa madaxweyne ku xigeenka ku wareejiyay maleshiyaad iyo gadiidkooda.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Galmudug mudane Cali Ciid ayaa odayaasha dhaqanka beesha Celi oga mahadceliyay sida aay ugu wareejiyeen hubkan iyo malaashiyadka loo diyaarinayo ciidanka daraawishta Galmudug.

Sidan oo kale ayey Beelaha Galmudug Hub iyo gaadiid ugu wareejiyeen maamulladii hore iyada oo kaddibna beelaha dib ula wareegeen.

Back to top button