Somali News

Galmudug oo war ka soo saartay kulankii Qoorqoor iyo Xubnaha Mucaaradka

Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa war ka soo saartay kulan uu Madaxweynaha Maamulkaasi la yeeshay qaar ka mid ah musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

“Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa Casho sharfeed ku casuumay qaar kamid ah Musharixiinta kasoo jeeda Galmudug.

kulanka masuuliyiinta kasoo qeybgalay waxaa kamid ahaa; Ra’isul Wasaarihii hore XFS Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed,C/raxmaan C/shakuur Warsame, iyo Mustaf Shiiq Cali Dhuxuloow.

Kulanka ayaa ahaa mid wadatashi ah oo looga arrinsanayey maareynta marxalada kala guurka ah iyo masiirka dalka.”

Back to top button