Somali News

Galmudug oo wlaaac ka muujisay kiisaska Covid19 e ku batay deegaannadeeda

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa  walaac ka muujiyay kiisaska Karoonaha ee laga helayo deegaannadeeda xilli caabuqa Covid19 uu soo laba kacleeyay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Axmed Mire Faafaale ayaa sheegay in marka laga reebo Gobolka Banaadir ay Galmudug tahay halka ugu badan ee laga helo Covid19.

Waxa uu xusay faafaale in ay dadaal dheeraad ah ku bixinayaan sidii loo dhimi lahaa Covid19 oo fara ba’an ku haya dadka Soomaaliyeed.

Faafaale ayaa sheegay in Galmudug ay fasaxday shaqaalah Rayidka ah iyo kuwa gaarka ah sidoo kalena goobaha la isugu tago ay geyneyso agabka Nadaafadda loo adeegsado.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo 24kii saacba soo saarta warbxiinta la xiriirta Covid 19 ayaa shaacisay in11 qof ay u dhinteen 24kii sacaadood ee la soo dhaafay caabuqaasi oo soo laba kacleeyay.

Back to top button