Somali News

Galmudug oo xukuntay 31 qof oo Yemeniyiin ah

Maamulka Galmusug oo dhawaan gacanta ku dhigay 39 qof oo Kalluumeysato Yemeniyiin ah ayaa maxkamad ku wareejiyay waxaana ay soo saartay xukunkooda.

Maxkamada Gobolka Mudug ayaa ganaax mid 700 boqol oo doolar ku riday 31 ruux oo si sharci daro uga kalluumeysanayay Biyaha xeebaha udhaxeeya Magaalooyinka Xare-dheere iyo Hobyo.

Sidoo kale waxaa lagala wareegay doontii iyo qalabkii ay wateen waxaana ay kasoo jeedaan dalka Yemen .

Guud ahaan dadkaan la qabtay ayaa ka koobnaa 39 ruux hase ahaatee sideed ka mid ah ayaa ah Caruur sida ay ku dhawaaqday Maxkamaddu.

Back to top button