Somali News

Galmudug oo yeelaneysa Boolis cusub

Maamul Goboleedka Galmudug ayaa qorsheynaya dhismaha Boolis uu yeesho maamulkaas.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi kaariye ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiiradda oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Galmudug.

Kulankan ayaa looga dooday isla markaana lagu meel mariyey Hindise shirciyeedyada;
Dowladaha Hoose, Maareynta Deegaanka, Hay’adaha Samafalka iyo Dhismaha Booliiska Galmudug.

Kulankan oo uu Madaxweynaha ku wehlinayey Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixin amni iyo dhibaatada ayaxu kuhayo deegaanno ka tirsan Galmudug.

Back to top button