Somali News

Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo xabsiga la dhigay.

Hay’adda NISA ayaa xabsiga dhigtay Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan.

Ciidamada Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa xalay gurigiisa magaalada Muqdisho kasoo xiray ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu taajirsan Soomaaliya.

Lama oga sababta ka dambeysa in la xiro ganacsade Abuukar Cumar Caddaan haseyeeshee.

Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa wareysi uu dhawaan siiyey Idaacada kulmiye ee magaalada Muqdisho, waxa uu ku yiri ” Shabaab mabda’a ay ku taagan yihiin, oo ay jidka ugu jiraan waan teegeersanahay, been sheege nacallaaa ku yaalla, in gaaladan gaafuurada weyn leh ee Xalane ku jirta la baaba’sho waan rabaa, iyo waxa la socda, aniga been kuu sheegi maa, cidna ka baqi maa.”

Xaaji Abuukar ayaa horay u maalgelin jiray Maxkamadihii Islaamiga ee 2005tii qabsaday bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Back to top button