Somali News

Ganacsatada Soomaalida oo gacanta ku dhigay Burcad dadka ku dili jiray K/Afrika

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waddanka Koofur Afrika ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen saddex Burcad Madow ah oo dadka dhibaateyn jiray.

Sadex Burcad Madow South African ah oo ay Ganacsato Soomaali ah gacanta ku dhigeen xilli ay dhac u gaysanayeen Dukaan ay Soomaalida ku leeyihiin Fish Hoek oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalkani Koonfur Afrika.
Dablayda ayaa markii hore gudaha u galay Dukaanka, iyagoo xabadka dhulka u dhigay Dhallinyaradii ka shaqaynaysay, waxayna qaateen dhammaan Lacagihii, Airtime-kii iyo Sigaarkii yiilay Dukaanka, Balse maxaa xigay markii ay isku dayeen inay gaarigii ay wateen ku laabtaan, ayaa mid kamid ah Tuugada waxaa dhacday in Soomaalida ay ku qabtaan si gaadmo ah waliba isagoo Bistooladiisa ay dhabarka ugu jirto.
“Waxaa gadaal uga yimid oo isku duubay Ninkani Tuugga ah Walaal Suleymaan oo ah Milkiilaha Dukaanka, kadibna Wiilashii Dukaanka joogay iyo Dadka Xaafadda ayaana kusoo baxay oo Garaacay, hadana waxa uu ku xiran yahay Saldhigga Booliska” ayuu yiri Jaamac Barre Aadan oo kamid ah Soomaalida deggan Fish Hoek.
Ninkan, ayaa sidoo kale kamid ahaa Burcad lagu tuhmayo dilkii dhawaan isla Fish Hoek loogu gaystay Axmed Abuukar oo ALLAHA u Naxariistee caan ka ahaa Xaafadda dilkiisana ay aad uga wada naxeen Soomaalida.
Back to top button