Somali News

Ganacsiga Baladxaawo oo Albaabada loo laabay

Ganacsiga Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa irdaha la isugu dhuftay kaddib markii xiisadi ka aloosantay Magaalada.

Xiisadda ayaa ka dhalatay xarin loo geystay xubno ka mid ah ganacsatada Magaalada Baladxaawo.

Guddi ka socda Ganacsatada Magaaladaas ayaa u tagay Al shabab waxaana ay ka codsadeen in ay go’doominta ka qaadaan.

Markii ay ka soo laabteen Al shabab ayaa waxa xabsiga dhigay Ciidamada Dowladda ee Ku sugan Magaalada.

Maamulka Gobolka Gedo ayaa horay u mamnuucay in Al shabab loo aado garsoor ama arrimo ganacsi.

Ganacsatada oo ka careysan xarigga xubnaha Guddiga ayaa xiray guud ahaan ganacsigii Magaalada.

Dhinaca kale waxaa idlamagaalada ka taagan xiisaddii u dhaxeysay Ciidamada Kenya iyo Kuwa Soomaaliya.

Back to top button