FeaturedSomali News

Garab ka mida Maamulka Galmudug oo Guddoomiye Barlamaan ku doortay magaalada Dhuusamareeb

Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug Garabka Dhuusamareeb ayaa maanta gelinkii dambe doortay Guddoomiye Baarlamaan, kadib markii ay hore xilka uga qaadeen guddoomiyihii hore Cali Gacal Casir.

Xildhibaannada oo iska dhega tiray baaqii Aqalka sare ayaa la sheegay inay fadhigoodu joogeen 137 mudane, iyadoo ay doorashadu ku loolameen saddex mushaarax oo taageersan kooxda Ahlu suna, kuwaasoo kala ah:

1- Aadan Xaaji Xasan Gardheer

2- Ismaaciil Cabdulle Axmed

3- Salaad Axmed Ceynte

Wareegii koowaad oo ee doorashada ayaa natiijadii noqotay sida soo socta:

1- Aadan Xaaji Xasan Gardheer: 37 cod

2- Ismaaciil Cabdulle Axmed: 93 cod

3- Salaad Axmed Ceynte:    5 cod

Waxaa xumaaday 2 cod.

Wareegii labaad ayaa waxaa tanaasulay musharax Aadan Xaaji Xasan Gardheer, waxaana sidaasi sidii la saadaaliyey ku guuleystay Ismaaciil Cabdulle Axmed oo kooxda Ahlu suna ay wadatay.

Guddoomiyaha cusub ayaa la sheegay inuu ahaa shaqsi gacansaar la leh Ahlu suna, iyadoo Ahlu suna ay hadda  u muuqata inay la wareegtay qeyb ka mida Ahlu suna

Tags
Close
Close