Somali News

Garoonkii Diyaaradaha Baladweyne oo aan shaqeyneyn

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyne ayaa shaqadii duullimaadyada joojiyay kaddib Roob ka da’ay Magaalada.

24kii saac ee la soo dhaafay Roob ka da’yay Magaalada ayaa saameeyay Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.

Maamulka Hirshabelle ayaa Ku fashilmay in ay dayactiraan Garoonkaas oo xilli roobaad kasta shaqo joojiya.

Garoonka oo Ku yaalla dhinac bari ee Magaalada Baladweyne ayaa waxaa milkiyaddiisa sheegta hal beel taas oo iyana u maaro la’ dhismaha Garoonka.

Waxaa jira dhowr mashruuc oo lagu cunay magaca Garoonka kuwaas oo sababay inaan la aaminin maamulka Garoonka.

 

Back to top button