Somali News

Golaha Amaanka ee Q.M oo dib u dhigay bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya

Kulan ay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ka yeesheen xaaladda Soomaaliya ayey ku beddeleen qorshihii bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya ee ahaa dhamaadka sanadkan 2021.

AMISOM ayaa sanadkasta muddada loo kordhin jiray waxaana uu qorshuhu ahaa in uu waqtiga ka dhamaado 28ka February sanadka 2022 hayeeshee waxaa hadda laga dhigay 14ka March sanadka 2022.

Golaha Amaanka ayaa cod qarsoodi ah oo ay qaadeen ku ansixiyay muddo kordhinta AMISOM ee labada todobaad ah oo isbeddel ku keeneysa qorshe howleedka AMISOM ee 14kii sano ee la soo dhaafay oo uu mar walba dhamaanayay 28ka February hayeeshee hadda loo beddelay 14ka March.

AMISOM ayuu qorshuhu ahaa in ay Soomaaliya ka baxaan dhamaadka sanadkan iyada oo dhawaan kulan ay yeesheen Golaha Amaanka ay muddo kordhin hal sano ah ugu dareen.

Back to top button