Somali News

Golaha Amaanka oo muddo kordhin u sameeyay AMISOM

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa muddada u kordhiyay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo uu qorshuhu ahaa in ay ka baxaan Soomaaliya sanadkan dhamaadkiisa.

Kulan ay Golaha Amaanka ku yeesheen Newyork oo ah Xaruntooda ayey ugu codeeyeen muddo kordhin hal sano ah oo ku eg 28ka February sanadka 2022.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay UK xarunta Qaramada Midoobay, dhammaan xubnaha UN-ka waxaa ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen in waqtiga loo kordhiyo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Howlgalka Midowga Afrika ee UN-ku taageero ee ku sugan Soomaaliya wuxuu ka shaqeynayaa sidii loo dhisi lahaa awoodda ay Soomaaliya u leedahay nabadeeda iyo horumarkeeda ayaa lagu  yiri Bayaan.

AMISOM waa hawlgal taageero oo nabadeed iyadoo ku dhowaad 20,000 oo ciidammo ah ay ka joogaan Soomaaliya kuwaa oo ka kala socda  Kenya Itoobiya, Uganda, Burundi iyo Jabuuti.

Zambia, Uganda, Ghana, Kenya, Nigeria iyo Sierra Leone ayaa ah lixda waddan ee booliska ku deeqay.

Back to top button