Somali News

Golaha Amaanka oo muddo kordhin u sameynaya AMISOM

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta ku gaar ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya waxaana ajendaha ugu muhiimsan yahay amaanka Soomaaliya iyo howlgalka AMISOM.

Kulanka ayaa lafa gur kaddib lagu wadaa in howlgalka AMISOM oo ku eg 28ka Bishan loogu daro sanad kale ilaa sanadka 2022da.

Qaraarka lagu aas aasay AMISOM ayaa sheegayay in AMISOM ay ka baxdo Soomaaliya dhamaadka sanadkan islamarkaana Ciidamada Soomaaliya la wareegaan amaanka hayeeshee waxaa ay u muuqataa in aysan suuragal ahayn.

Howlgalka AMISOM ayaa Soomaaliya ka billowday Bishii March sanadkii 2007dii markaas oo ay Ciidamada Itoobiya Muqdisho ka saareen Midowgii Maxkamadaha  ee ay hoggaaminayeen Sheekh Shariif iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys.

 

Back to top button