Somali News

Golaha degaanka Afmadow oo guddoomiye dooranaya

Golaha deegaanka Degmada Afmadow ayaa maanta dooranaya Guddoomiyaha degmadaas.

Degmada Afmadow waxaa ka bilaabanaya doorashada duqa degmada waxaana dooranaya golaha cusub ee deegaanka, ilaa seddex musharax ayaa u taagan qabashada duqa degmada Afmadow jagada ku xigeenka waxaa u taagan todoba qof oo ay mid tahay Dumar.

Gudiga madaxa banana ee doorashada iyo xuduudaha Jubbaland ayaa hawsha wada ayadoo ay goob joog tahay wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland.

Xildhibaano ka mid ah Golaha Shacabka, mas’uuliyiin wasiirro ay ka midyihiin oo ka tirsan Jubaland ayaa Ku sugan madasha.

Back to top button