Somali News

Golaha Shacabka oo ansixiyay xeerka wax kabeddelka waxbarashada heerka 1aad,2aad iyo Tacliinta sare

Mudaneyaaasha Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta ansixiyay Wax ka bedelka Sharciga Waxbarashada Heerka 1-aad, 2-aad iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa soo xaadiray 170 Mudane iyaga oo dhammaantood “Haa” ugu codeeyay ansixinta Sharciga Waxbarashada.
Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Abuukar Xaaji oo ka hadlay Golaha ayaa u mahad celiyay Mudaneyaasha Golaha Shacabka ee ansixiyay Sharciga Waxbarashada isaga oo si gaar ah na ugu mahad celiyay Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka.
Back to top button