Somali News

Golaha Shacabka oo ansixiyay Xukuumadda cusub

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka maanta oo uu shir guddoominayay Maxamed Mursal Sh.C/Raxmaan ayaa waxaa xaadiray 188mudane oo ka mid ahaa golaha Shacabka.

188 mudane ee kulanka xaadiray ayaa codkooda siiyay xukuumadda cusub mana jirin wax diiday ama ka aamusay.

Isla goobta ayaa lagu dhaariyay Golaha Wasiirrada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Maxamed Xuseen Rooble.

Back to top button