Somali News

Golaha Shacabka oo maanta kulmaya

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta kulan ku leh xarunta Golaha Shacabka, iyadoo ajandaha kulankan uu yahay akhrinta koowaad ee miisaaniyadda sanadka 2021.

Kulanka maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ku soo aaday, iyadoo muddo xileedka Baarlamaanka uu dhamaad ku dhow yahay, ayna ka harsan tahay 15 cisho.

Hayeeshee Golaha Shacabka ayaa bishii September sameystay muddo kordhin kaddib markii ay meel mariyeen sharci ogolaanaya in ay xilka ka dagayaan marka uu beddelo xildhibaan la soo doortay si dalku uusan firaaq u gelin.

Back to top button