Somali News

Golaha Wakiillada Mareykanka oo kalsoonida kala laabtay Trump

Golaha aqalka wakiillada Dalka Mareykanka ayaa waxaa ay codka kalsoonida kala laabteen Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Donald Trump.

Codka kalsoonida ayaa la geliyay mooshinka ka dhanka ah Trump waxaana haa u codeysay 237 Xildhibaan halka 197 ay ka soo horjeesteen.

Nancy Pelosi oo ah afhayeenka aqalka hoose ayaa mooshinka gadaal ka riixeysay iyada io taageero ka heleysa xisbiga Dimuqraadiga oo ay ka tirsan tahay.

Tani kama dhina in Trump waayay aqalka cad oo ay lix beri uga harsantahay hayeeshee waxaa loo gudbinayaa go’aanka ugu dambeeyana iska leh aqalla senateka ama Odyaasha oo doorahsadii November ay la wareegeen Dimuqraadiyiinta.

 

Back to top button