FeaturedSomali News

Golaha wasiirada xilka sii’haya oo 9-xubnood ee la dagaallanka Musuq-maasuqa ansixiyay.

Golaha wasiirrada xilka sii’haya ee Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay 9-xubnood  oo loo magcaabay guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa.

Shir aan caadi ahayn oo Isniintii maanta ay isugu yimaaddeen golaha wasiirrada xilka sii’haya ee Soomaaliya, ayaa lagu meel mariyay 9- xubnood oo ay soo gudbiyeen bahda caddaaladda iyo garsoorka ee Soomaaliya.

 

Kulankan deg deg ah, ayaa waxaa shir guddoominayay sii’hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Xubnaha la ansixiyay, ayaa kala ah.

  1. Mudane Maxamed Cabdikariim Ibraahim

  1. Cabdiweli Axmed Cumar

  1. Xasan Khaliif Xasan

  1. Maxamed Xuseen Xaamud

  1. Saciido Maxamed Xaashi

  1. Mudane Amiin Axmed Sh. Cabdiraxmaan

  1. Mudane Cabdullaahi Sh. Abuukar.

  1. Mudane Khadar Axmed Diiriye.

  1. Saamiya Siciid Xuseen.

Arrinta,ayaa imanaysa xilli dalka Soomaaliya u ku jiro kala guur siyaasadeed iyada oo xukuumadda xilka sii’haysa laga soo werinayo in ay ku kacayso boob hantiyeed iyo xoolo uruursi xad-dhaaf ah.

 

 

Back to top button