Somali News

Golaha wasiirrada Galmudug oo ansixiyay xeerar cusub.

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyey xalay shirka Golaha Wasiiradda DGM oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada.

Kulankan ayaa lagu ansixiyey shuruucda kala ah:- Sharciga Shaqaalaha Rayidka, sharciga Nidaaminta iyo Naqshadeynta Magaaloyinka Galmudug, Sharciga Daqliga Gudaha, oo ay soo gudbiyeen wasaarada kala ah;
Shaqadda iyo Arrimaha bulshadda, Hawlaha Guud& Guryeynta, iyo Maaliyadda DGM.

Sidoo kale, sharciga Dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka ayaa maray Aqrintii koobaad. Madaxweyne Kuxigeenka Dowlada Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa madaxweynaha ku wehlinayey kulankan.

 

Back to top button