Somali News

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeelanaya shir aan caadi ahayn.

Ra’isalwasaaraha  Xukuumadda Soomaaliya iyo Golahiisa Wasiirrada  ayaa maanta yeelanaya kulan aan caadi ahayn kaddib markii uu Khamiistii ka baaqday shirkoodii todobaadlaha ahaa.

Golaha Wasiirrada ayaa habeenkii khamiista farriin loogu sheegay in uu baaqday shirka Khamiiis laha Sabtiga la qabanayo.

Ajendaha shirka degdegga ah oo aan wali la shaacin ayaa waxaa hadal heynta ugu badan tahay doorashada Soomaaliya, Maamulka Jubaland oo ay dowladdu go’aan ka soo saareyso iyo shirka heerka sare ee saaxiibada Soomaaliya oo isna 9ka Bishan ka dhacaga Muqdisho.

Xukuumadda ayaa horay maamulka Jubaland ugu eedeysay in uu ka baxay heshiiskii doorashada.

Sidoo kale Muqdisho waxaa kulamo kala duwan ka wada Musharrixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya kuwaas oo Dowladda ku dhaliilay Guddiyada doorashooyinka.

Back to top button