Somali News

Golaha wasiirrada xilka sii’haya oo kula deg deg ah yeeshay.

Golaha wasiirrada ee sii’haya xillalka, ayaa wararku sheegayaan in kulan deg deg ah saakay laysugu yeeray xafiiska kusimaha ra’iisal wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed.

Wararka ay warbaahinta Waddani.com helayso, ayaa sheegaya in ugu yaraab laba jeer farriimo oo ladiray wasiirrada xilalka siihaya si ay isugu yimaaddaan kulan aan caadi ahayn, ilaa iyo haddase majiraan xogo rasmi ah oo xaqiijinaya in wax yaaba looga hadlay kulankan deg degga ah.

Arrintan, ayaa waxa ay imanaysaa iyo oo waddanka ay ka jirto xaalad siyaasadeed oo si diiddan, islamaraa muddo bil iyo dheeraad ah aan la magcaabin xukuumad sharci ah oo xilka sii haysa bilaha kooban ee ka haray doorashada.

Go’aammo iyo hindise-sharciyeedyo ay ansixiyeen golahan sii’haya xilalka, ayaa la tilmaamay in ay yihiin sharci darro maadama aanay waddanka ka jirin xukuumad xasaanad ka haysata baarlamanka.

Back to top button