Somali News

Goobaanle: Diyaarado joog hoose Ku duulaya oo lagu arkay

Wararka ka imanaya deegaanka Goobaanle oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ayaa sheegaya in diyaarado joog hoose Ku duulaya lagu arkay deegaankaas.

Diyaaradaha oo casbi badan Ku abuuray dadka degaanka ayaa la arkay xalay ilaa saaka.

Deegaankaas waxaa si weyn gacanta ugu haya Ururka Al shabab.

Ciidamo la sheegay in ay ka tirsanyihiin Danab ayaa waxaa ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan deegaankaas.

Ciidanka Danab ayaa todobaadkii hore sheegay in ay 7 ka mid ah Al shabab Ku dileen deegaanka Leego oo ay weerareen.

Back to top button