Somali News

Goormuu Golaha Shacabka codka kalsoonida u qaadayaa Xukuumadda Rooble.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu codka kalsoonida u qaado xukuumadda cusub ee Ra’isalwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maalinta berri yeelanaya kulanka kalsooni siinta Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Rooble, kuwaasoo ay u badan yihiin Xubnihii ku jiray Wasiiradii hore, waxaana la filayaa in Baarlamaanku ansixin doono.

Wasiirada magacaaban ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay kulamo la yeelanayay Xildhibaannada beelahooda, iyagoo ka dalbanayay inay codka kalsoonida siiyaan.

Waxa jira Xildhibaano Ku jiray Xukuunaddii hore oo iska waayay liiska cusub ee Golaha wasiirrada kuwaas oo iyana la sheegayo in ay diidi doonaan xukuumadda cusub.

Back to top button